Introduction
Dhagaxaanta kalyaha kusamaysmaa waa xaalad katar badan inbadan oo dadka kamidana dhibaato kuhaysa. Waxay sameysmaan marka macdanaha iyo milixda ku jirta kaadida ay isku ururaan kuna sameeyaan dhagxan kelyaha ama tuubada kalida katimaada ee kaadi-haysta timaada. Sababaha dhagaxaanta kalyaha ka mid ah waxaa ka mid ah tayada biyaha gaar ahaan biyaha adag ama qadhaadh.
Hadaad aragto biyo adag ama qadhaadh taas macneheedu waxa weeye biyahaas waxa kubadan macdanaha sida calium iyo magnesium oo kale iyo kuwa lamid ka ah. Maqaalkani waxa aynu dul istaagi doonaa xiriirka ka dhexeeya dhagaxaanta kalyaha iyo biyaha adag, inagoo xogtana kasoo xigan doona cilmi baadhiso lasameeyay.
What is Hard Water?
Biyaha adag ama qadhaadhi waa biyo dhadhan ahaan adag marka lacabayo, waa biyo ay kubadanyihiin macdanaha dabiiciga ah ee laga helo dhulka kuwaas oo biyaha ku milmaya. Macdanahaas waxa calcium, sodium iyo magnesium carbonate.
Macdanahan waxaa si dabiici ah loogu soo qaadaa marka biyuhu ka soo gudbaan dhagaxaanta dhulka hoose kujira sida limestone, chalk, ama gypsum. In kasta oo biyaha adag guud ahaan ay caadi tahay in lacabo oo ay xitaa jirka siiyaan macdanaha muhiimka ah, hadana xaddiga badan ah ee macdanaha ayaa sababi kara mararka qaar saameyn taban oo caafimaadka ah, oo ay kamidyihiin inay kalyiheena kusamayn karaan dhagxaan.
Adayga biyaha waxa lagu cabiraa halbeega loo yaqaan parts per million (ppm) yadoo la eegayo xaddiga calcium carbonate biyaha kujira. Biyaha xaddiga calcium carbonate ku udhaxeeyo 0–60 ppm waa biyo jilicsan, halka biyaha ka badan 180 ppm loo tixgeliyo kuwo aad u adag.
How Hard Water Contributes to Kidney Stones
- High Calcium Levels:
Nooca ugu badan ee dhagaxaanta kalyaha waa calcium oxalate. Biyaha adag, oo badanaa leh heerar sare oo calcium ah, waxay kordhin karaan qaddarka calcium ta ah ee kaadida laga saaro. Xaaladdan, oo loo yaqaan hypercalciuria, waxay keenaysa in calium ta iyo oxalate ku isku xidhmaan si uu u sameeyo dhagaxyo.
- Dual Role of Magnesium:
Magnesium-ka, oo sidoo kale ku jira biyaha adag, wuxuu kaalin difaac ka qaadan karaa isagoo joojinaya uruurintaanka calcium oxalate. Si kastaba ha ahaatee, heerarka magnesium-ka ee aadka u sarreeya waxay sidoo kale ka qayb qaadan karaan noocyada kale ee dhagaxaanta kalyaha, sida struvite. Sidaas darteed, saameynta magnesium-ka ee dhagaxaanta waxay ku xiran tahay isu-dheellitirka guud ee macdanaha cuntada iyo biyaha.
- Preventive Measures
1. Water Softeners:
- Ku rakibida qalabka biyaha jilciya waxay yareyn kartaa calcium ta iyo magnesium-ka ku jira biyaha adag. Si kastaba ha ahaatee, nidaamyada jilcinta badanaa waxay macdanahan ku beddelaan sodium, taasoo khatar ku noqon karta dadka qaba cadaadiska dhiigga oo sarreeya ama xaalado kale.
- Dietary Adjustments:
Yaree cuntada hodanka ku ah oxalate (tusaale, spinach, lowska, iyo shukulaatada) haddii aad cabto biyo adag oo leh heerar sare oo calcium ah.
- Adequate Hydration:
Iyadoo aan loo eegin adkaanta biyaha, cabitaanka biyo ku filan waa muhiim. Cab biyo ugu yaraan 2–3 litir maalin kasta si loo khafiifiyo kaadida loona yareeyo halista samayska dhagaxaanta.
- Regular Testing:
Dadka ku nool meelaha leh biyo adag waa inay si joogto ah u baaraan tayada biyahooda oo la tashadaan bixiyeyaasha daryeelka caafimaadka haddii ay leeyihiin taariikh dhagaxaanta kilyaha.